Posts

Showing posts from February, 2022

Dagaalkii kheybar

 Dagaalkii kheybar waxaa calanka muslimiinta waday Abuubakar Sidiiq hase ahaatee markii dagaalki labo maalmood ka socday dhufayskii Naacim oo la furan waayey muslimiintiina ay dhibi soo gaartay ayuu Rasuulku SCW yiri “waxa aan calankan berri siin doonaa nin Alle iyo Rasuulkiisa jecel, Alle iyo Rasuulkiisuna jecel yihiin”.  Subaxdii markii la gaaray ayaa nin walba oo asxabta ka mid ihi jeclaystay in uu noqdo ninkaas Alle iyo Rasuulkiisu SCW jecel yihiin, nin walbana wuu u hanqal taagay. Wuxuu markaas Rasuulku SCW yiri “aaway Cali binu Abii-dhaalib?”, waxa ay asxaabtii dhaheen “Rasuulkii Allow indhaha ayaa laga hayaa”. Rasuulku SCW Cali ayuu u cid diray, markii uu u yimidna indhihii ayuu uga tufay, waana u duceeyey.  Calina markiiba indhihii way u caafimaadeen Rasuulkuna SCW wuxuu u dhiibay calankii, markaas ayuu Cali yiri “Rasuulkii Allow, miyaan la dagaallamaa ilaa ay annaga (muslimiinta) oo kale ka noqdaan?”, Rasuulku SCW wuxuu yiri “tartiibso ilaa aad ka degtid aaggooda...