Dagaalkii kheybar
Dagaalkii kheybar waxaa calanka muslimiinta waday Abuubakar Sidiiq hase ahaatee markii dagaalki labo maalmood ka socday dhufayskii Naacim oo la furan waayey muslimiintiina ay dhibi soo gaartay ayuu Rasuulku SCW yiri βwaxa aan calankan berri siin doonaa nin Alle iyo Rasuulkiisa jecel, Alle iyo Rasuulkiisuna jecel yihiinβ.
Subaxdii markii la gaaray ayaa nin walba oo asxabta ka mid ihi jeclaystay in uu noqdo ninkaas Alle iyo Rasuulkiisu SCW jecel yihiin, nin walbana wuu u hanqal taagay. Wuxuu markaas Rasuulku SCW yiri βaaway Cali binu Abii-dhaalib?β, waxa ay asxaabtii dhaheen βRasuulkii Allow indhaha ayaa laga hayaaβ. Rasuulku SCW Cali ayuu u cid diray, markii uu u yimidna indhihii ayuu uga tufay, waana u duceeyey.
Calina markiiba indhihii way u caafimaadeen Rasuulkuna SCW wuxuu u dhiibay calankii, markaas ayuu Cali yiri βRasuulkii Allow, miyaan la dagaallamaa ilaa ay annaga (muslimiinta) oo kale ka noqdaan?β, Rasuulku SCW wuxuu yiri βtartiibso ilaa aad ka degtid aaggooda, ka dib ugu yeer islaamka una sheeg waxa dushooda ku waajibka ah oo xaqa Alle ah. Ilaah baan ku dhaartaye in Ilaahay dartaa ku hanuuniyo qof kaliya ayaa kaaga kheyr badan geela kiisa gudguduudanβ.
βWaxaan ka soo xigtay buugga lagu magacaabo *"Casharka iyo Cibarada ku sugan, Dagaalkii Kheybar"* ee uu qoray Amiir binu maxamed Al-madaari.
Waa Dhigaal qurux badan Oo si waadix ah kugu sharaxaya Dagaalki kheybar.
HasannAbshir.
Comments
Post a Comment