Nidaam Qadiimi ah!.


Nidaamka Qadiimiga ah Ee iskuulaadka  wadamo Badan ayaa ka guuray Sida wadanka  finland. 

Finland ayaa noqotay Wadanka ugu tayada fiican caalamaka dhanka Waxbarshada Sanadihii ugu dambeeyay!

Nidaamka Iskuulaadka waxaa uu soo bilaabtay Qarnigii 19-aad Waqtigii Kacdoonka Wershadaha. 

1892 Guddi ka kooban 10-qof kuwaasi oo ka soo jeeda Wadanka mareekanka ayaa dejiyay nidaamka iskuulaadka,  8-sano oo ah marxalada Aas-Aasiga ah ( Hoose iyo dhexe ) iyo 4-sano oo ah marxalada dugsiga sare .Haddabo nidaamkani labo iyo tobanka -sano ah, Oo aan  maanta ku socno waa nidaam la dejiyey Mudo laga joogo 129-sano.

–Aan dib Eeggno Marxaldo ka jira Wadankeenna.

Arday labo iyo toban sano dhiganaayay iskuul ayaad waxaa u dambeyn doona Murug iyo shaqo la'aan!, 

Arday labo iyo toban sano dhiganaayay iskuul, ayaa fishilmi doona!

Iskuulaadka Ardayda qaar niyad jeb weyn ayay ka qadaan, Arday  soo bixiyay Waqti, Maal Iyo Dadaal  Ayaa 12 sano ka dib fishil soo hor istaagi doona! 

Wiil aan saxiibo-nahay ayaan waqti Wada qaadanay Aad ayuu u niyid jebsanaa markii aan Weydiiyay maxaa kugu dhacay wuxuu igu yiri  Xasan ilaa Hadda jaamacada ma gelin, markii aan weydiiyayna wuxuu igu jawaabayay Waalidkeyga waxaa ay igu yiraahdeen Guriga iska joogaa Waayo labo jeer ayaad Imtixaan Qaranka ku dhacday sidaasi Darteed ma sii wadi kartid Waxbarshada!, .

Aad ayaan u naxay waayo Wiilka sidaasi igu sheekaynaayo Aad ayaan u garanayaa Mudo aad u dheer ayaan saxiibo nahay, wuxuu igu Yiri xasan Aniga Iskuulka 12-sano ayaan soo dhigtay, mana qaadan Wax course ah ama wax loo yaqaano– Fasal koobid oo Lix bil ah, wuxuu igu yiri waxaan iskuulka Dhigayaanyey Mudo 12-sano ah, intaasi aan dhiganaayey Weligeyga Af-keyga Ma gaarsiin Maclamiinteyda, Maamulaheyga iyo Waardiyaha iskuulka Mana la dagaalmi jirin ardayda ,Maantase Ma ogi  waxa aan noqon doono mustaqbalka Dambe Madaama Wajiga kowaad ee Waxbarashada Fishil ka keenay,

-Arday iskuulaadka dhameeyay Badankooda waa Shaqaale Oo malaha fikirado u gaar oo bedali karta Noloshooda Dambe Mana Ku dhiiradaan Badankooda inay Hal-Abuur sameeyaan, waayo waxa ay haysataan Waa Fikirado Shakhsi ah Taasi oo badankooda Noloshoodu ku dabaqaan!

-Iskuulka Ardaygii ku dhacaa waxaa la dhihi Arday Fishalmay!, Aan nasiib ku lahayn Adduunka.

Iskuulo Badan Waxaa derbiga ugu xardhan

 " Ω…Ω† Ψ¬Ψ― وجد، ΩˆΩ…Ω† Ψ²Ψ±ΨΉ Ψ­Ψ΅Ψ― "

Jumladaani waxay ku micneeyaan Qofkii Dadalaa wuu gaari, qofkii Wax beertaahi waa heli Oo waxay ula jeedaa Inaad guul gaartay Hadii aad xafdiso Dhowrka tuduc ee lagu dhigay. 

Robert ka yuzaki qoraaga Buugga Aabe Hodan ah Iyo Aabe Faqiir ah waxaa uu leeyahay " Iskuulada maanta waa meel soo saarta jiil loo tarbiyey in ay Adoon noqodaan, jiilal lagu layliyay inay cid kale u shaqeeyaan, in Arzqigubo uu ku jiro kaliya In dad kale loo shaqeeyo, in la bareynin inay sidii Ayaga Wax  soo saari lahayeen, kaliya inay natiijo Fiican keenaan sidii Shaqo fiican u heli lahayeen" 

- Qoraagu waxaa uu leeyahay " Iskuulku ardaydu wuxuu baraa tartan aan wax faa'iido lahayn, keen Derajo Fiican si aad saxiibkaaga ugu horumarto", Arday markii ay iskuulku dhameeeyaan Arinku waxaa uu u eg'yahay sidii inay ka soo baxeen Dagaalada Calaamka, waxa ay dhameeyaan ayagoo jir da'da 19-sano, Ama 20-sano welina ay u sii dhiman tahay 4-sano ugu yaraan oo Jaamacadda ah si ay u shaqeeyaan, taasi oo ah in waqtigoodi ugu qaalisanaa, uguna fiicanaa inay ku bixiyeen oo ay ku dhameysteen Labadaasi Derbi dhexdooda 12-sano ayaa iskuulka lagu dhameeyaa.

Mida kale macmuulkaada ardayga lagu siiyo Fasalka kowaad Ee dugsiga sare iyo Fasalka Labaad ee dugsiga sare maxay ku kala duwan yihiin ? ( ma iisheeg karta )

Waa isku mid Wax kuma kala Duwano, Hadii ay kala duwan yihiine Wax yar ayay ku kala duwan yihiin. 

Ujeeedda Ardayga Iskuulka u dhigtaane waa xifdi Oo Natiijo Fiican keen, Si aad Beri shaqo fiican  u hesho!.

Maadama Ujeedka ardayga tahay Natiijo fiican keen wuxuu  baranayaa qishka ( Wax is daba marin) inaad uu Naftiisa Qiyaano.

Hadafkeyga maha inaan dhaliilo iskuulaadka Ee waxaad Diidanhy Nidaamkaani Qadiimiga ah, oo wadamo Badan ka guureen sida Finland.

Adigoo Dhigtay 12-sano iskuul ah, 4-sano iyo wax ka badan oo jaamacadda ah, Ku dhowaad 20 sano ka dib ayuu dhihi Yaan u shaqeeyaa ?  Weliba Adigoon lahayn wax xirfad ah kaliya Taqaanid sida loo soo Xaadiro Fasalka. Wadamo qaar waxaa jira Hadii ardayga uu ku dhacay Labo fasal oo isku xiga in laga ceyrin doono Iskuulka, Oo aanay wax rajo ah lahyn arrinkuna waxaa uu u eg'yahay inaad tahay qof aan loo baahanayn oo halkaasi Ka dhalan karto Faquuq, iyo niyad jeb. 

Ardayga Imtixaanka galay waxaa laga yabaa inuu xanuun haayo, Murug kale heysato, ama  su'aasha fahmin, jaanis looma siin in la fahamsiiyo Su'aasha tusaale waxaad arkaysaa mararka qaar adigoo Qof kula hadalaayo inaad garan weydo Su'aal lagu weydiiyay balse adiguna waad ku jawaabtaa si kale igu sheeg yacnii Micno kale u dhig su'aashaada!, bal kawaran Arday aan fahmin su'aal sidee ayuu ugu jawaabi karaa!, Waxaa halkaasi Kaaga cad i la khilaafay Oraahdii ahyd 

" فهم Ψ³ΩˆΨ§Ω„ نءف Ψ§Ω„Ψ¬ΩˆΨ§Ψ¨" 

Oo la micno ah Fahamka su'aasha waa kala barka jawaabta.

Haddabo maxaa nalaga gudboon ? 

Ina keen oo Aan aadno Waqooyiga yurub iskaandineefiyaanka Finland, waxaa ka jira Nidaam waxbarshadeed gaar ahaan iskuulada nidaam ka dhigay iskuulada Waxbarshada ugu tayada wanaagsan caalamka, marka ugu horeyso Iskuulka Finland 12-sano lama dhigto, Waqtigaasi Aadka u qaalisan laguma qasaariyo, iskuulada finland maha kuwa kale Caalamka ka jiro waa iskuulo ay caruurto u soo xiisayaan sida inay u socdaan meel lagu soo ciyaarsiinaayo oo kale, ma jiro wax la isku qasbaayo, mana jiro Layli ( Home work ) aan dhamaaneynin, ma jiro imtixaan, kaliya hal imtixaan ayaa jira oo ah Marka aad dugsiga sare  dhameyneyso, ma jira Wax la yiraahdo ardaygaani  waa Damiin, Adaygaani waa uu dhacay, Ardaygaani wax ma fahmaayo arrinkaani oo ah Arin Niyad jeb ku ah Arday Badan oo dhigta Nidaamka Qadiimiga ah, waxa jira oraah  Caan ah

 " Ma jiro Qof liita balse Waxaa jira qof garan waayey Halka kuu ku fiican yahay", finland waxaa ka jira Xoriyad Ardyadeed Oo ardayga cadaadis kama kulmaan Iskuulka xiliga aaad doonto ayaad soo bixi karaa!, taasi waxaa laga dheefayaa In ardayga uu u xiiso Iskuulka, in ardayga si damiir leh wax u barto yimaadana xili hore Dugsiga!, 

#XasanAbshir

Wax xifdi, Aad shaqo fiican heshide!.


Comments

Popular posts from this blog

Gabar wax baratay waa bulsho waxbaratay

Dagaalkii kheybar