Gabar wax baratay waa bulsho waxbaratay

 β€“Aqeela Asifi


Waa macallimad Afghanistan u dhalatay oo taariikhda iyo Juqraafiga barta ardayda muhaajiriinta ku ah Pakistan, sanadkii 1992 ayay ka carartay go’doominta mujaahidiinta ee Kabul iyada oo labo caruur ah oo yaryar wadata, markii ay Afghanistan kasoo carartay waxay moodaysay iney gurigeeda dib ugu laabaneyso, waxaana lagu yaqaanaa geesinimadeeda iyo aaney marnaba ka daaleyn  wax barista gabdhaha, waxay aasaastay iskuul ay teendho ka dhex sameysay, waxay ku  adkaysatay  dhibaatada qaxootigu uu leeyahay. Qoyskeeda ayay isku afgarteen iney gabdhaha waxbarto, bilowgii hore waxay xoogga saartay iney haweenka barto, nadaafadda, maamulka guriga iyo waxbarashada diiniga ah.


Afghanistan waxaa ka jirtay dhibaatada ugu mudada dheer ee adduunka, waxaa hadda qurbo joog ka ah dalkaas 2.8 milyan oo Afghanistan ah, iyadoo kala barna ay yihiin caruur, waxbarashadooduna ay muhiim u tahay si ay dalkooda dib ugu laabtaan ama ay ula qabsadaan bulshada dalalka ay la noolyihiin.


Aqeela Muddo kadib, waxay u gudubtay iney caruurta barto akhirska,  qoraalka, xisaabta, Juqraafiga iyo Taariikhda.


Maanta waxay gacanta ku haysaa 9 Iskuul oo ay macallimiin farabadan wax ka dhigaan in kabadan 1500 arday oo 900 oo ka mid ah ay gabdho yihiinna ay wax ka bartaan.


Waxay ku guuleystay abaalmarinada Nansen ee UNHCR sanadkii 2015, iyo abaalmarinta Varkey foundation award sanadkii 2016.

#


XasanAbshir

 


Comments

Popular posts from this blog

Dagaalkii kheybar