Doorasha Soomaaliya iyo Xaalka Muqdishu
Waa bartamaha bisha May, waana maalin axad ah, Muqdishu waxay isku diyaarineysaa in lagu qabto doorashada hogaanka sare ee dalka. Anigu waxaan ahay muwaadin soomaaliyeed ma ihi kan wax dooranaaya sidoo kale ma ihi kan la dooranaayo. Dadka Soomaaliyeed dal iyo dibad jooga waxay indhaha ku hayaan doorashada, muwaadin walba waxaa uu sugayaa qofkii noqon lahaa madaxweynaha dalka. Goobaha waxbarshada iyo ganacsiga dhamaantood waa ay xeran yihiin isku socodka magaaladu waa mid aad u yar markii loo eego maalmahii la soo dhaafay. In ka dhow 40 musharax ayaa u taagaan hogaanka dalka, dhamaantood isku ujeedo iyo isku mowqif maha. 329-Xildhibaan ayaa wax dooraneysa, xildhibaanadaas ayaa go'aaminaaya aayaha dalka iyo umadda Soomaaliyeed. Qaar xildhibaanada ka mid ah waa kuwa miisaan culus ku leh siyaasadda soomaaliya. Marka eego hadalhaynta shacabka ilaa 5-musharax ayaa loo saadaalinayaa inay noqodaan Madaxweynaha dalka. Mushraxiinta raba inay hogaamiyaan dalka waa kuwa balanqaad ...