Doorasha Soomaaliya iyo Xaalka Muqdishu
Waa bartamaha bisha May, waana maalin axad ah, Muqdishu waxay isku diyaarineysaa in lagu qabto doorashada hogaanka sare ee dalka. Anigu waxaan ahay muwaadin soomaaliyeed ma ihi kan wax dooranaaya sidoo kale ma ihi kan la dooranaayo. Dadka Soomaaliyeed dal iyo dibad jooga waxay indhaha ku hayaan doorashada, muwaadin walba waxaa uu sugayaa qofkii noqon lahaa madaxweynaha dalka. Goobaha waxbarshada iyo ganacsiga dhamaantood waa ay xeran yihiin isku socodka magaaladu waa mid aad u yar markii loo eego maalmahii la soo dhaafay.
In ka dhow 40 musharax ayaa u taagaan hogaanka dalka, dhamaantood isku ujeedo iyo isku mowqif maha. 329-Xildhibaan ayaa wax dooraneysa, xildhibaanadaas ayaa go'aaminaaya aayaha dalka iyo umadda Soomaaliyeed. Qaar xildhibaanada ka mid ah waa kuwa miisaan culus ku leh siyaasadda soomaaliya.
Marka eego hadalhaynta shacabka ilaa 5-musharax ayaa loo saadaalinayaa inay noqodaan Madaxweynaha dalka.
Mushraxiinta raba inay hogaamiyaan dalka waa kuwa balanqaad badan. Maha kuwa rumeeya afkaarta u qoran in la aamino ay adag tahay.
Maxamed Cabdullahi Farmaajo waa madaxweynihii sagaalaad ee dalka haddase waa mushrax raba inuu mar labaad hogaanka dalka qabto, waana mushraxa ugu hadalhaynta badan bulshada.
Xasan Sheekh Maxamuud oo horey u soo noqoday Madaxweynaha JFS ayaa ka mid musharaxiinta miisaan weyn ku leh doorashada.
Shariif Sheekh Axmed oo ahaa Madaxweynihii hore ee ku meelgaarka ayaa ka mid ah murashaxiinta loo saadaalinaayo madaxtanimada dalka. Xasan Cali Kheyre Waa ra'iisul wasaarihii hore dalka waana musharax u taagan qabashada xilka madaxtanimo. Markii loo eego shacabka waa musharaxa loo saadaalinaayo inuu helo hogaanka dalka.
Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame waa Siyaasi saameyn weyn ku leh siyaasada Soomaaliya waaa mushrax u taagan qabashada xilka madaxtanimo.
Comments
Post a Comment