
βSulayman al-qanuuni [1494-1566] Suleyman binu saalim ibnu baayaziid, wuxuu ku dhashay Trabzon (maanta waa qeyb ka mid ah Turkiga) 1494. wuxuu ahaa Suldaankii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Suleymaan wuxuu ku koray Qasriga quruxda badan ee Topkapi ee ku yaal magaalada Istambuul, magaalo madaxda Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Wuxuu wax ku bartay iskuul, wuxuuna wax baray qaar kamid ah culamadii ugu sareeyay islaamka waqtigaas. Wuxuu bartay maadooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin taariikhda, sayniska, istaraatiijiyada militari, iyo suugaanta. Isagoo dhalinyaro ah, ayaa loo magacaabay guddoomiyaha Kaffa. Barasaab ahaan,Noqoshada shaqadiisa hore suleymaan waxay gacan ka siisayay u diyaargarowga maalinta uu Suldaan noqon doono. wuxuu bartay sida siyaasada iyo sharcigu u shaqeeyaan. Wuxuu kaloo bartay dhaqammada iyo meelaha kala duwan ee boqortooyada. 1520, Sulaymaan aabihiis ayaa geeriyooday, Sulaymaanna wuxuu noqday Suldaanka cusub ee Boqortooyada Cusmaaniyiinta isaga oo 26 jir a...