Salman khan



Salman Khan waa gacansade Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Pakistan, waxa uu ku caan baxay aasaaskii uu aasaasay website-ka waxbarashada sida bilaash-ka ah wax looga barto ee Khan Academy.


Website-kan ayaa ardaydu ka helaan waxbarasho bilaasha ah meel kasta oo ay aduunka ka joogaan, bilowgii hore ardayda oo kaliya ayaa wax ka baran jirtay, laakiin hadda waxa lagu soo daray macallimiinta dhameystirka u baahan ee Sayniska iyo Xisaabta iyadoo ardayda waxbarashada dhameysata la siiyo shahaadooyin la aqoonsan yahay.


Akadeemiyaddan ayaa soo jiidatay indha saxaafadda, iyadoo Bill Gates uu sheegay in barnaamijyada ay akaademiyadani bixiso qaarkood ay caruurtiisa duruus ahaan u qaataan.


Salman Khan ayaa loo aqoonsan yahay inuu ka mid yahay 100 qof ee adduunka ugu saameynta badan, dadka qaar waxay ugu yeeraan inuu yahay nin doonaya inuu adduunka oo dhami ay waxbartaan.

#XasanAbshir



Comments

Popular posts from this blog

Gabar wax baratay waa bulsho waxbaratay

Dagaalkii kheybar