Posts

Nasiib-xumo wali lama’aanan kulmin Hadraawi, waxaanse lakulmay aqoon-tiisii, gabayadadiisii, iyo xikmadihiisii. Waxaan dhawaan helay cajalad maqal iyo muuqaal ah oo uu ku duubay gabaygiisii dheeraa ee Daba-Huwan, intaan xusuusanahay horudhaca gabaygaas, waxaan dhagaystay ilaa 9-jeer, waana hubaa inaanan wali ka bogan, waana sababta igu dhalisay inaan maqaalkan qoro. Hadraawi waa Abwaan gabay-aqood ah, waa aftahan hadal abuur ah, waa Faylasoof mustaqbalka eeg ah. Intaas uu yahay, waxaa qarineysa inuu Soomaali ka dhashay, waan hubaayo hadduu dad aan Soomaali ahayn ka dhalan-lahaa sida uu maanta yahay ma’ahaadeen, oo maxaa ka maqan? Falaasifada dalalka kale u dhasha magacooda meel dheer ayuu tagaa, waxaa la gaarsiiyaa iney iyagu yihiin hormuudka nolosha oo dhan. Soomaalidu waxay taqaan, ama wax u ogoshahay oo kaliya kuwa Siyaasada ku jira, dunida aan maanta ku nool-nahay falaasifada ayaa hagta. Taariikhaha nasoo maray oo dhan yaa hormuud u ahaa? Dhamaantood waa faylasoofyo wadamadaas u dh...

Doorasha Soomaaliya iyo Xaalka Muqdishu

 Waa bartamaha bisha May, waana maalin axad ah, Muqdishu waxay isku diyaarineysaa in lagu qabto doorashada hogaanka sare ee dalka. Anigu waxaan ahay muwaadin soomaaliyeed ma ihi kan wax dooranaaya sidoo kale ma ihi kan la dooranaayo. Dadka Soomaaliyeed dal iyo dibad jooga waxay indhaha ku hayaan doorashada, muwaadin walba waxaa uu sugayaa qofkii noqon lahaa madaxweynaha dalka. Goobaha waxbarshada iyo ganacsiga dhamaantood waa ay xeran yihiin isku socodka magaaladu waa mid aad u yar markii loo eego maalmahii la soo dhaafay.  In ka dhow 40 musharax ayaa u taagaan hogaanka dalka, dhamaantood isku ujeedo iyo isku mowqif maha. 329-Xildhibaan ayaa wax dooraneysa, xildhibaanadaas ayaa go'aaminaaya aayaha dalka iyo umadda Soomaaliyeed. Qaar xildhibaanada ka mid ah waa kuwa miisaan culus ku leh siyaasadda soomaaliya.  Marka eego hadalhaynta shacabka ilaa 5-musharax ayaa loo saadaalinayaa inay noqodaan Madaxweynaha dalka. Mushraxiinta raba inay hogaamiyaan dalka waa kuwa balanqaad ...

Dagaalkii kheybar

 Dagaalkii kheybar waxaa calanka muslimiinta waday Abuubakar Sidiiq hase ahaatee markii dagaalki labo maalmood ka socday dhufayskii Naacim oo la furan waayey muslimiintiina ay dhibi soo gaartay ayuu Rasuulku SCW yiri β€œwaxa aan calankan berri siin doonaa nin Alle iyo Rasuulkiisa jecel, Alle iyo Rasuulkiisuna jecel yihiin”.  Subaxdii markii la gaaray ayaa nin walba oo asxabta ka mid ihi jeclaystay in uu noqdo ninkaas Alle iyo Rasuulkiisu SCW jecel yihiin, nin walbana wuu u hanqal taagay. Wuxuu markaas Rasuulku SCW yiri β€œaaway Cali binu Abii-dhaalib?”, waxa ay asxaabtii dhaheen β€œRasuulkii Allow indhaha ayaa laga hayaa”. Rasuulku SCW Cali ayuu u cid diray, markii uu u yimidna indhihii ayuu uga tufay, waana u duceeyey.  Calina markiiba indhihii way u caafimaadeen Rasuulkuna SCW wuxuu u dhiibay calankii, markaas ayuu Cali yiri β€œRasuulkii Allow, miyaan la dagaallamaa ilaa ay annaga (muslimiinta) oo kale ka noqdaan?”, Rasuulku SCW wuxuu yiri β€œtartiibso ilaa aad ka degtid aaggooda...

Casharo kala duwan ayaan ku soo bartay safarkii xiliyeysanaa ee aan ku tagay dalka Talyaaniga!. 

 
Image
 β€”Sulayman al-qanuuni [1494-1566] Suleyman binu saalim ibnu baayaziid, wuxuu ku dhashay Trabzon (maanta waa qeyb ka mid ah Turkiga) 1494. wuxuu ahaa Suldaankii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Suleymaan wuxuu ku koray Qasriga quruxda badan ee Topkapi ee ku yaal magaalada Istambuul, magaalo madaxda Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Wuxuu wax ku bartay iskuul, wuxuuna wax baray qaar kamid ah culamadii ugu sareeyay islaamka waqtigaas. Wuxuu bartay maadooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin taariikhda, sayniska, istaraatiijiyada militari, iyo suugaanta. Isagoo dhalinyaro ah, ayaa loo magacaabay guddoomiyaha Kaffa. Barasaab ahaan,Noqoshada shaqadiisa hore suleymaan waxay gacan ka siisayay u diyaargarowga maalinta uu Suldaan noqon doono.  wuxuu bartay sida siyaasada iyo sharcigu u shaqeeyaan. Wuxuu kaloo bartay dhaqammada iyo meelaha kala duwan ee boqortooyada. 1520, Sulaymaan aabihiis ayaa geeriyooday, Sulaymaanna wuxuu noqday Suldaanka cusub ee Boqortooyada Cusmaaniyiinta isaga oo 26 jir a...

Salman khan

Image
Salman Khan waa gacansade Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Pakistan, waxa uu ku caan baxay aasaaskii uu aasaasay website-ka waxbarashada sida bilaash-ka ah wax looga barto ee Khan Academy. Website-kan ayaa ardaydu ka helaan waxbarasho bilaasha ah meel kasta oo ay aduunka ka joogaan, bilowgii hore ardayda oo kaliya ayaa wax ka baran jirtay, laakiin hadda waxa lagu soo daray macallimiinta dhameystirka u baahan ee Sayniska iyo Xisaabta iyadoo ardayda waxbarashada dhameysata la siiyo shahaadooyin la aqoonsan yahay. Akadeemiyaddan ayaa soo jiidatay indha saxaafadda, iyadoo Bill Gates uu sheegay in barnaamijyada ay akaademiyadani bixiso qaarkood ay caruurtiisa duruus ahaan u qaataan. Salman Khan ayaa loo aqoonsan yahay inuu ka mid yahay 100 qof ee adduunka ugu saameynta badan, dadka qaar waxay ugu yeeraan inuu yahay nin doonaya inuu adduunka oo dhami ay waxbartaan. #XasanAbshir

Gabar wax baratay waa bulsho waxbaratay

Image
  –Aqeela Asifi Waa macallimad Afghanistan u dhalatay oo taariikhda iyo Juqraafiga barta ardayda muhaajiriinta ku ah Pakistan, sanadkii 1992 ayay ka carartay go’doominta mujaahidiinta ee Kabul iyada oo labo caruur ah oo yaryar wadata, markii ay Afghanistan kasoo carartay waxay moodaysay iney gurigeeda dib ugu laabaneyso, waxaana lagu yaqaanaa geesinimadeeda iyo aaney marnaba ka daaleyn  wax barista gabdhaha, waxay aasaastay iskuul ay teendho ka dhex sameysay, waxay ku  adkaysatay  dhibaatada qaxootigu uu leeyahay. Qoyskeeda ayay isku afgarteen iney gabdhaha waxbarto, bilowgii hore waxay xoogga saartay iney haweenka barto, nadaafadda, maamulka guriga iyo waxbarashada diiniga ah. Afghanistan waxaa ka jirtay dhibaatada ugu mudada dheer ee adduunka, waxaa hadda qurbo joog ka ah dalkaas 2.8 milyan oo Afghanistan ah, iyadoo kala barna ay yihiin caruur, waxbarashadooduna ay muhiim u tahay si ay dalkooda dib ugu laabtaan ama ay ula qabsadaan bulshada dalalka ay la noolyihiin...